8787 entries

Category: Local News

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Wasiir Cawad iyo Guddiga arimaha dibada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Tirada qaxootiga soomaalida ah ee ku nool Kenya oo hoos u dhacday.

Hey,adda UNHCR Xaafiiskeeda Dhadhaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga iyo tirada dadka ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday magaalada Doxa oo geeriyooday

Waxaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa mid ka mid ah dhaawcayadii Khamiistii la soo dhaafay loo qaaday, kaasoo ka mid ahaa dadkii ay xaaladooda liidatay ee dalka wax looga qaban waayay. 

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaano ka mid ah Puntland

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeysay ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu taliye cusub la wareegay Taliska ciidamada Africom ee qaarada Afrika. 

Labo eedeysane ka tirsan Daacish oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada

Aadan Maxamed Cali iyo Cabdishakuur Xaaji Barsanji ayaa markii labaad ka soo muuqday Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Maxkamada ayaa balamisay fadhigii kan ka horeeyay in xafiiska Xeer ilaalinta la yimaadaan marqaatiyaasha iyo cadeymaha Kiiskan ku xusan. 

Bobi Wine oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax Madaxweynaha dalka Uganda

Bobi Wine oo ah fanaan u xuub siibtay siyaasi mucaarad ah kana tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ku dhowaaqay inuu la tartami doono madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni doorashada sanadka 2021. 

Wasaaradda A. Gudaha oo shaacisay in Liiskii odayaasha dhaqanka Jubbaland uusan aheyn mid sax ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Liiska Odayaasha dhaqanka Beelaha ee soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland uusan waafaqsaneyn diiwaanka Wasaaradda ee dhaqanka rasmiga ee Beelaha Jubbaland. 

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay khasaaraha qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow Wariyeyaasha kula hadlayay xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha qaraxii galabta ka dhacay xarunta. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS