1233 entries

Category: Immigration

Xiisad ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ka jirta magaalada Jowhar

Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa saameyn culus ku yeelatay magaalada Jowhar kadib markii ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Jowhar guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle.

Dhageyso Barnaamijka Arrimaha Bulshada

Dhageysatayaasheenna qaayaha lahow, barnaamijka arrimaha bulshada, waxa uu toddobaadkan idinkaga imaanayaa Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Barron, WI.
Dhageyso

Soomaali Mareykan oo guulo ka soo hoyay doorashooyinkii Mareykanka

Axmed Xasan, oo ah nin Somali Mareykan, ayaa ku guuleystay in uu ka mid noqdo golaha deegaanka ee City Council magaalada Clarkston oo ka tirsan gobolka Georgia oo uu daggan yahay, isagoo helay codad gaaraya 59.6% codadkii la dhiibtay, isgaoo aad uga horreeyay xubnihii la tartamayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Shabaab baabi'intooda Muddo bey qaadaneysaa"

Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in nabad lagu soo celiyo Soomaaliya ay u baahan tahay in la-laba-laabo dagaallada lagu jiro Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in dagaalka lagu soo af-jarayo kooxdan uu noqon karo mid socda muddo fog.

Qaramada Midoobay oo taageertay heshiiska dowlada iyo maamulka Jubba

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray heshiis ay dhowaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ku kala saxiixdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba.

Gudoomiyaha Maamulka Jubba oo u duulay Brussles iyo Nabadoon caan ah oo Kismaayo lagu dilay

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa u baqoolay dalka Belgium isagoo ka qeybgalaya kulanka loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya

QM iyo AMISOM oo Cambaareeyay Qarixii La rabay in Lagu Dilo Axmed Madoobe

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin la doonayay in lagu qaarijiyo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo shalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay in bishii la soo dhaafay ay heleen 330 Xog ku aadanaa weeraro la fashilayay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Hey'adaha ammaanka dowladda ay bishii la soo dhaafay ay fashiliyeen weeraro ay maleegayeen Al-Shabaab.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Yemen

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaaladda Sanca ee dalka Yemen kula kulmay Madaxweynaha dalka Yemen Mudane Cabdu Rabbuh Mansur iyo Ra’isul Wasaaraha Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa.

Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

Dowlada Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay dowlada Shiinaha.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS