2797 entries

Articles by Author

Deg Deg:- Madaxweynaha Somalia oo Goordhaw ka dagay Airborka Garbahaarey

Warar Hadda Soo dhacay ayaa waxaa ay Sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud  iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa waxaa uu gaaray Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Mas,uuliyiinta Gobolka Iyo Boqolaal Shacab ah oo Sacab ku soo dhaweeyay.

Ciidamada Jubba oo la wareegay Deegaano ku yaala Jubbada Hoose

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Saaka la wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo Al-shabaab ay Maamulayeen ,waxaana ka mid ah Deegaanka Cabdi Dhoore oo 48 Km dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

Heshiis Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe oo lagu saxiixay Muqdisho (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiis maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Gal-guduud iyo Mudug oo ka tirsan gobollada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaas saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, laakiin waxaa maqnaa xubnihii matalayay maamulka Ximin iyo Xeeb; inkastoo qoraalkii kasoo baxay madasha shirka uu ka muuqday saxiixa ruux heshiiska ku matalayay Ximan iyo Xeeb.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo baaritaan ka wada Bakaaraha

 Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.

Taliyaha Qaybta Gobolka Bay oo diiday xil ay Odayaasha dhaqanku u magacaabeen

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa diiday magacaabiddii golahii guurtada ee Bay ay u magacaabeen inuu noqdo sii-hayaha xilka maamulka gobalka Bay, kaddib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka, Cabdi Aadan Hoosoow iyo kii degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.

Ciidanka Amaanka ee Kenya oo gacanta ku dhigay Shabaab

Ciidanka Kenya ayaa sheegay in magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari kenya ay ku xireen labo qof oo looga shakiyay in ay xiriir la lahaayeen weerarradii ka dhacay Suuqa Westgate magaalada Nairobi iyo deegaanka Mpeketoni, xilli ay doonayeen in ay ka tallaabaan xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Madaxda dalka oo maanta Saxiixaya Maamul loo dhisayo Gobolada Dhexe

Warar ay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ka heleyso Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay goor dhaw  saxiixayaan  Maamul loo dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Marko iyo warar kala duwan oo kasoo baxaayo Dagaalka.

Warka laga helaayo Duleedka Degmada Marka ee G/Sh/hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia ay ku dagaalameen halkaasi.

IGAD oo iska fogeysay War lagu daabacay Warbaahinta Soomaalida qaarkeed

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wakiilka urur-goboleedka IGAD ee Muqdisho, Jamaal Axmed Ibraahim ayaa lagu beeniyay war qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay baahiyeen, kaasoo ku saabsanaa in xafiisku uu wado qorshe uu madaxtooyada Somalia ku geliyo hub sharci-darro ah.

Siiriya oo lagu dilay 2,300 oo qof intii lagu jiray Bisha Ramadaan

In ka badan 2,300 oo qof ayaa dalka Syria lagu dilay intii lagu jiray bisha Ramadaan, sida ay sheegtay hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo sal-dhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS