9231 entries

Articles

Dhageyso Warka Axadnimo ee Sagal Radio

Dhageysatayaasheenna sharafta mudan, warka Sagal Radio, waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya Studiyaha Radio Sagal ee magaalada Nairobi.
Warka

Abaanduulaha Meleteriga Soomaaliya oo ku baaqay in la diiwaan galiyo hubka

Abaanduulaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi-kariin Yuusuf Aaden (Dhega-badan), ayaa u sheegay xildhibaannada, wasiirada iyo hay'adaha ka howl gala Muqdisho inay hubkooda soo diiwaan galiyaan.

Gaarisa oo 11 ruux ay ku dhaawacmeen, markii bomb lagu weeraray kaniisad

Kow iyo toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar bamb gacmeed ah oo saaka lagu qaaday goob kaniisad ah oo ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Gaarisa oo 11 ruux ay ku dhaawacmeen, markii bomb lagu weeraray kaniisad

Kow iyo toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar bamb gacmeed ah oo saaka lagu qaaday goob kaniisad ah oo ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya. Hay'adda bisha cas ee Kenya, ayaa sheegtay in 11 ruux ay u daad gureeyeen xarrumaha caafimadka si loola tacaalo, kuwaas oo u badnaa dad u yimid kaniisadda inay ku cibaadeystaan. Kooxihii weerarka geystay, ayaa la sheegayaa inay baxsadeen. Dad goob joogayaal ah ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas dhaceysay wax yar kadib markii uu weerarka bambada dhacay.

Dowladda oo ka dalbatay Uganda inaysan ciidankeeda hadda kala bixin Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay ka wal wal san tahay hadalkii ka soo baxay dowladda Uganda, oo sheegayay inay ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya.

War Hadda Soo Dhacay: 5 ruux oo ku dhimatay is qarxinno Muqdisho ka dhacay

Inta la xaqiijiyay shan ruux oo ay ku jiraan laba ruux oo is miidaamisay, ayaa ku dhintay tiro kale oo aan caddaddooda saxda ah laheynna way ku dhaawacmeen, kadib markii weeraro is qarxin ah ay maanta ka dhaceen agagaarka maqaayadda The Village oo ku taalla meel u dhow Hotelka aadka loo ilaaliyo ee Amira, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dhageyso Warka Sagal Radio Iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadkii Tagay Ee Soomaaliya

Dhageysatayaasheenna qaayaha badan, warka Radio Sagal iyo barnaamijkii dhacdooyinka toddobaadka waxa uu idin kaga imaanaya Studiyaha Radio Sagal ee magaalada Nairobi.
Warka

Somalia and the EU working together on governance, education and jobs

Mogadishu, 03/11/2012, Today, the EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso, and the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, have launched together in Mogadishu the new EU development package of 158 million euros that will be implemented in line with the priorities of the Somali Government.

Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya oo mashaariic horrumarrineed ka billaabay Muqdisho

Maanta, ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso, iyo madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh maxamuud, waxay si wada jir ah u Muqdisho uga billaabeen mashruuc cusub oo horrumarineed kaas oo ku kici doonnaa lacag gaareysa 158 Million oo Euro.

Dad lagu eedeynaayo dil oo lagu xirey meel u dhow Laas-caanood

Ciidamada ammaanka ee gobolka Sool, ayaa soo qabtay laba ruux oo lagu eedeynaayo inay xalay dil ugu  geysteen deegaanka Oog oo qiyaastii 90 KM u jirta magaalada Laas-caanood ee xarrunta gobolka Sool laba qof rayid ahaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka.  
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS