8878 entries

Articles

Askari dhaawacay ganacsade Balad-xaawo ku dhaqan iyo xiisad ka dhalatay

Mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga degmada Balad-xaawo, ayaa dhaawacay mid ka mid ah ganacsatada degmada Baladxaawo ku dhaqan maanta, iyadoo falkaasina uu hakad galiyay ganacsigii magaalada, oo magaaladuna ay xiisad gashay.  

Booliska Muqdisho oo soo bandhigey hub iyo dhalin yaro Al-Shabaabnimo ku eedeysan

Ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda gobolka Banaadir, oo saaka hore howl gal ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hodan, ayaa waxay ku soo qabteen dad aad u fara badan iyo hub u badan bam gacmeedyo.  

Somalia From the U-17 Team Disqualified

The Somali U-17 team that beat Sudan to progress to the second round of CAF U-17 Championship will not be taking any further part in the competition after CAF disqualified the team.

Jabuuti oo soo dhaweysay raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Dowladda Jabuuti, ayaa soo dhaweysay magacaabidda raysal wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ee dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, uu u igmaday booskaasi in uu buuxiyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Booliiska Muqdisho oo xiray 3 ruux oo loo heysto inay qarax geysteen

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen inay xireen seddex ruux oo looga shakisan yahay inay xalay bam gacmeed ku tuureen meel ay dadku ku badnaayeen gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, halkaas oo seddexna ay ku dhinteen 10-kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay madax Afrikaan ah

Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Uganda kula kulmay  madax kala gaddisan oo Afrikaan ah, kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

Hay'ado QM ka tirsan oo qiimeynaya fatahaaddii wabiga Shabelle ee Baladweyne

Wafdi ka socda QM, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo qiimeynaya fatahaaddii wabiga Shabelle uu ka geystay magaalada xarunta u ah Hiiraan ee Baladweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda, kaas oo noqonaya safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibada uu uga baxo.  

Puntland oo shuruud ku xirtay la shaqeynta dowladda cusub ee Soomaaliya

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Midowga Yurub, QM iyo midowga Afrika, ayaa si isku  mid ah u soo dhaweeyay magacaabiddii shalay loo magacaabay raysal wasaraha cusub ee dalka Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS