9000 entries

Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adis-ababa gaaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ee uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo saaka ka soo ambabaxay magaaladda Jabuuti ayaa soo gaaray  Caasimadda Itoobiya ee Adis-Ababa.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Balad-weyne booqanaya, kadib dilal ka dhacay halkaasi

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qarranka Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta gaaray magaalada Balad-weyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Wasiirrada Gaashaandhigga Jabuuti iyo Soomaaliya oo kulmay

Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulmay maanta dhiggisa dalkaasi Md. C/qaadir Kaamil Maxamed.

Doorashooyinka dowladaha hoose oo Somaliland ka bilowday

Dad weynaha reer Somaliland, ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan goloyaasha dowladaha hoose ee deegaannada maamulka Somaliland.

Formation of Jubbaland tests delicate political balance

After Somali and allied forces took over Kismayo from al-Shabaab in September, sharp differences have emerged regarding the formation of a Jubbaland state in the federation.

Khaatumo State oo sii daysay xubno ka mid ah Xisbiga Xaqsoor ee Somaliland

Maamulka Khaatumo State of Somalia, ayaa sii daayay xubno ka mid ahaa xisbiga Xaqsoor ee ka jira deegaannada maamulka Somaliland, kuwaas oo shalay galinkii dambe lagu qabtay degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Ciidamo AMISOM iyo Soomaali isugu jira oo tababar uga furmay Balad-weyne

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ee Hiiraan jooga, ayaa sheegaya in illaa 250 askari oo ka kala tirsan Jabuutiyaan AMISOM qeyb ka ah iyo kuwa Soomaali ah uu tababar maanta uga furmay magaalada Balad-weyne.

Raysal wasaare Saacid oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Michel Carves Deurso, oo booqasho ku tagay Xamar.

Raysal wasaare Saacid "Mudnaanta koowaad waa amniga Muqdisho"

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Is-rasaaseyn sababtay dhaawacyo oo xalay Gaalkacyo ka dhacday

Laba ruux oo rayid ah, ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad xalay waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ku dhex maray dablay hubeysan iyo ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ku guda jiray roondo ay amniga ku sugayeen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS