8936 entries

Articles

Formation of Jubbaland tests delicate political balance

After Somali and allied forces took over Kismayo from al-Shabaab in September, sharp differences have emerged regarding the formation of a Jubbaland state in the federation.

Khaatumo State oo sii daysay xubno ka mid ah Xisbiga Xaqsoor ee Somaliland

Maamulka Khaatumo State of Somalia, ayaa sii daayay xubno ka mid ahaa xisbiga Xaqsoor ee ka jira deegaannada maamulka Somaliland, kuwaas oo shalay galinkii dambe lagu qabtay degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Ciidamo AMISOM iyo Soomaali isugu jira oo tababar uga furmay Balad-weyne

Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ee Hiiraan jooga, ayaa sheegaya in illaa 250 askari oo ka kala tirsan Jabuutiyaan AMISOM qeyb ka ah iyo kuwa Soomaali ah uu tababar maanta uga furmay magaalada Balad-weyne.

Raysal wasaare Saacid oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Michel Carves Deurso, oo booqasho ku tagay Xamar.

Raysal wasaare Saacid "Mudnaanta koowaad waa amniga Muqdisho"

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Is-rasaaseyn sababtay dhaawacyo oo xalay Gaalkacyo ka dhacday

Laba ruux oo rayid ah, ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad xalay waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ku dhex maray dablay hubeysan iyo ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ku guda jiray roondo ay amniga ku sugayeen.

Guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha oo la dilay

ALLAHA u raxmadee waxa saaka magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha lagu dilay guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha Axmed Nuure Awdiini.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqanaya Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar toddobaad qaadan doona waxa uu maanta uga bilowday dalka Jamhuurriyadda Jabuuti, iyadoo dalal kalena uu sidoo kale madaxweynuhu booqan doono.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Sagal Radio

Dhagaystayaasheenna qaayaha mudan, warka Sagal Radio, waxa uu toddobaadkan idin kaga imaanaya Istuudiyaha Reediyo Sagal ee magaalada Nayroobi.
Warka

Fiqi "Cuna-qabateynta hubka saameyn wayn bey nagu leedahay"

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya saameyn weyn ku leedahay howlaha ciidamada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS