8936 entries

Articles

Wafdi ka socday Mukhtaar Roobow oo Jabuuti kula kulmay Saraakiil Mareykan ah

Wafdi ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. 

Madaxweyne Farmaajo oo dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda ugu sareysa Galmudug oo mar kale uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya awoodda iyo heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug. 

Warar sheegaya in la sii daayay C/kariin Qalbi Dhagax

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in la sii daayay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanad ka hor dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Itoobiya. 

Gabar Wariye ah oo maanta lagu dhaawacay Muqdisho

Gabar Wariye aheyd oo ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa maanta duhurkii lagu dhaawacay magaalada Muqdisho 

Wafdi Heer sare ah oo ka socda Eritrea oo si diirran loogu soo dhoweeyay Addis Ababa

Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Eritrea ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaa wafdiga hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Osman Saleh iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti iyo dekeda weyn ee Magaalada Jabuuti. Kormeerka guddoomiyaha waxa ku wehlinaayay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Maxkamada Sare Maraykanka oo ku taageertay go’aan uu Trump ku mamnuucay safarka muwaadiniin

Maxkamada Sare ee Maraykanka ayaa ku taageertay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump go’aankii uu ugaga mamnuucay inay dalka Maraykanka u soo safraan muwaadiniin ka soo jeeda qaar ka mid ah dalalka Islaamka. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Somaliland oo KA jawaabtay Hadalkii C/weli Gaas “ee Laascaanood ”

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaasoo uu shalay ka hor jeediyay baarlamaanka Puntland, kuna goodiyay in Puntland dib u soo ceshan doonto Gobolka Sool. 

Shacabka Turkiga oo u dareeyay cod bixinta doorashada guud ee dalkaas ka dhaceyso

Shacabka Turkiga ayaa saaka u dareeray cod bixinta doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada oo saaka ka dhaceyso dalka oo dhan, iyadoo Madaxweynaha talada haya Recep Tayyib Erdogan uu fursad u heysto in mar kale dib loo doorto. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS