9293 entries

Articles

Culimada magaalada Laas-caanood ayaa ku baaqay gurmad loo fidiyo Baladweyne

Culimada magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaaqay gurmad aan kala hadlahayn iyagoo inta badan qudbadii Jimcaha lagu soo qaatay dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan.

Al-shabaab oo ku soo rogay deegaanada ay maamulaan barashada Luqada Carabiga

Guddoomiyaha ururka Alshabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Max’med Abuu Cabdalla ayaa ku dhowaaqay olole lagu carabiyeynayo dadka ku nool deegaanadaas. 

Dowlada Jabuuti oo lacag ugu deeqday dadka ay saameysay fatahaada Beledweyne

Dowladda Jabuuti ayaa lacag gaareysa lix boqol oo kun oo dollar una dhiganta boqol malyan oo lacagta Frank Jabuuti ah ugu deeqday guddiga fatahaadaha. 

Donald Trump oo ka guuraya guriga uu ka degenaa magaalada New York

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida. 

Madax ka socota Uganda oo kula kulmay Carbiska wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amin

Madax ka socota dalka Uganda oo booqasho ku joogtay maalmihii la soo dhaafay dalka Soomaaliya ayaa kula waxa ay kula kulmeen deegaanka Carbiska ee gobolka Sh/hoose wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amiin. 

Donald Trump oo sheegay in la diley ninkii bedeli lahaa Abu Bakr al-Baqdadi

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay maanta in Milatariga Maraykanka ay dileen qofkii lagu waday inuu bedelo hogaanka ururka IS kadib markii hogaamiyihii ururkaas Abubakar Baqdadi la diley. 

Daawo;Madaxweynaha Hirshabelle oo walwal ka muujiyay dadka ku go’odoonsan gudaha Beledweyne

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta gaaray magaalada Beledweyne oo ay uu wabiga Shabelle ku fatahay ayaa walwal ka muujiyay dadka ku go’odoonsan gudaha magaalada Beledweyne. 

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo hoggaamin doona Madasha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda

Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan Hoggaan Guud oo ay yeelato Madasha Xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka ah. 

Diyaarado duqeyn ka geystey degmooyinka Saakow iyo Bu’aale

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn loo adeegsaday diyaarado xalay lagu burburiyay  gaadiid ay Alshabaab ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheynayay in laga geysto magaalada Muqdisho. 

Golaha Ammaanka oo digniin adag u jeediyay dowlada Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Soomaaliya ugu goodiyey in ka fiirsan doonaan dhaqaalaha badan ee Beesha caalamku siiso oo ku taageero Ammaanka Soomaaliya, haddii aanay la shaqeyn Guddiga Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS