9293 entries
Articles
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gelid ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa dhaliilay qaabka ay dowladdu wajaheyday xaalada ka taagan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka midkood looga baahnaa in uu tago magaalada taasoo astaan wanaagsan u noqon laheyd gurmadka iyo gargaarka heerka caalami ee socda