8889 entries

Articles

Madaxweyne Farmaajo oo u magaacabay Dr. Nuur Fuursade Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Maraykanka oo ku amray muwaadiniintiisa inay isaga baxaan dalka Ciraq

Dowlada Maraykanka ayaa ka codsatay dhammaan muwaadiniinteeda gaar ahaan shaqaalaha dowlada ee aan muhiimka ahayn inay isaga baxaan dalka Ciraq kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa Maraykanka iyo Iran. 

Imisa Agaasime ayaa soo martay Madaxtooyada Villa Somalia 2-dii sano ee la soo dhaafay ?

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa labadii sano ee la soo dhaafay aheyd meel aan lagu negaanoo marba Agaasime la bedelayay inta uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Kenya oo ka hadashay sababta ka dambeysa joojinta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay sababta ka dambeysa go’aankii ay ku joojisay duulimaadyadii sida tooska ahaa uga tagi jiray magaalada Muqdisho ee ka degayay Nairobi, kuwaasoo loo leexiyay Garoonka Wajeer. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin bambo ku tuuray Xarun ciidan

Ciidamada Booliska ayaa goor dhow gacanta ku dhigay nin bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamada oo ku taala degmada Yaaqshiid. 

Madaxweyne Xaaf oo ka dhoofay Garowe “Shirkii si aan fiicneyn ayuu ku dhamaaday”

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe, kaddib markii natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday shirkii u socday madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. 

Faahfaahin Doon ay dad ku dhinteen oo ku degtey xeebaha dalka Tunisia

Ugu yaraan 65 ruux ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay kula degtey badda Mediterraneanka xeebaha dalka Tunisia.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dil iyo qarax macmal oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa bac lagu qariyay walxo baaruud qaraxda iyo dil rag burcad ah ay caawa ka dhacday xaafado kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, xilli dadku ay ahaayeen kuwo Afurayay. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS