9293 entries

Articles

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdi Xoosh oo gaaray magaalada Garowe (Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland. 

Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay duleedka magaalada Moscow (Sawiro)

Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 65 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah ayaa burburtay waxyar  kadib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Shir looga hadlayo arrimaha socdaalka dalalka ku mideysan IGAD oo ka furmay Muqdisho

Shir wadatashi ah oo looga hadlayo arrimaha socdaalka bulshooyinka dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Maamulka Koofur Galbeed oo ka hadlay abaabulada dagaal ee uu wado Mukhtaar Roobow

Maamul goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya abaabulka dagaal ee uu Mukhtaar Roobow ka wado deegaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Ganacsadihii uu Mareykanka xayiraada ku soo rogay oo beeniyay inuu xiriir la leeyahay Daacish

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Mire Cali ayaa beeniyay inuu xiriir la leeyahay Ururka Daacish, kaddib markii Waaxda Lacagaha Mareykanka ay qoraal ay soo saartay cunaqabateyn ku soo rogtay Ganacsadahan iyo shirkad uu lahaa, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Qalbi Dhagax

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Salkaakii ka tirsanaa ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaasoo bishii August ee sanadkii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya. 

Shirka Golaha Amniga oo maanta la soo gababeynayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed. 

C/raxmaan C/shakuur oo su’aalo badan ka keenay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ee kiiskii Qalbi Dhagax

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii Xilka Madaxweynaha  kula tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aal badan ka keenay jawaabtii uu ka bixiyay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS