8621 entries

Articles

Hubkii ay wateen dalbeydii weerartay Hotel DusitD2 oo noqday kuwo Dowlada Soomaaliya soo iibsatay

Dowlada Kenya oo wada baaritaano dhinacyo badan ah oo la xiriira weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in saddex ka mid ah qoryihii ay isticmaalayeen dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo ay dowlada federalka Soomaaliya ka soo iibsatay dibadda. 

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Jowhar oo xabsiga loo taxaabay

Ciidamada Nabadsugida magaalada Jowhar ayaa xabsiga dhigey qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar  iyagoo lagu eedeeyeey ganacsatada inay siiyaan lacago canshuur ah ururka Al-Shabaab. 

Dhakhaatiir ajaaniib ah ku dhaawacantay waxyaalaha qarxa oo loogu xirey baabuur

Saddex dhakhtar oo labo ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir u dhalatay dalka Siiriya ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula qarxay magaalada Muqdisho. 

Buug laga qoray Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta lagu soo bandhigay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Buug laga qoray Allaha u naxariistee Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa haldoorada Soomaaliyeed ee qeyb qaatay hirgelinta Afka Soomaaliga. 

Taliska Mareykanka ee Africa oo sheegay in 52 Al-Shabaab ku dileen duqeyn

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray duqeyntii maanta ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaasoo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni. 

Axmed Madoobe oo markii 3aad iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Dhoobley ayaa maanta booqaday Xero ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas, isagoo ku wargeliyay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ciidamada NISA oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Shabaab

Ciidamada NISA ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab, kaddib howlgal maaliniamdii shalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. 

Faah faahin: In ka badan 60 dagaalame Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo culus iyo duqeyn saaka ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni. 

Al-Shabaab oo sheegay in weerarkii Nairobi uu jawaab u ahaa Aqoonsiga Qudus ee Caasimadda Israel

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa Tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday inay Qudus tahay Caasimadda Israel. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS