689 entries

Articles Published in 2019

Sawirro: Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo horay ugu sugnaayeen maleeshiyo taabacsan Ahlusuna Wal-jameeca. 

Madaxweyne Farmaajo oo faray Hey’addaha dowladda in la dardargeliyo howlaha Gurmadka fatahaadaha

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gelid ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah. 

Sagaal ruux oo Haweeney ku jirto oo lagu eedeeyay Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 9 eedeysane oo haweeney ka mid tahay,kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. 

Turkiga oo gacanta ku dhigay Haweeney la dhalatay Abuubakar Al-Baqdaadi

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in la qabtay haweeney la dhalatay Hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kaddib howlgal laga fuliyay waqooyiga Suuriya. 

Wararkii ugu dambeeyay garoonka diyaaradaha Beledweyne oo mar kale xirmay, kaddib roobab…

Kaddib roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu sababay inuu xirmo garoonkii diyaaradaha Ugaas Khaliif, taasoo hakad gelisay diyaarado gargaar oo saaka ka degi lahaa garoonka. 

Sheekh Axmed Shaakir: “Deegaanada Galmudug dadkii xoreeyay in laga xoreeyo uma baahna.”

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa beeniyay in degmooyin ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle in lagala wareegay ururka Ahlu Sunna. 

Booliska Kenya oo xiray saddex qof loo heysto inay ku lug lahaayeen afduubka Haweeney Talyaani ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku heyso Saddex ruux oo lagu tuhunsan yahay inay kaalin ku lahaayeen Afduub 20-kii bishii November sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano oo ah Haweeney ka shaqeysay arrimaha bini’aadanimadda. 

Bixinta Shatigii u horeey ee Shidaalka Soomaaliya oo bisha soo socota bilaabnaya

Dowladda Soomaaliya ayaa bisha soo socota ee December ee dhamaadka sanadkan ku dhawaaqi doonta bixinta shatigii u horeeyay ee shidaalka Soomaaliya ee laga sahmiyay Xeebaha dalka. 

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay suurta galnimada fatahaado iyo daadad hor leh

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay halista ay ku dhici karaan fatahaadaha iyo daadadka deegaano ka tirsan Koofurta dalka. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS