543 entries

Articles Published in 2019

Daawo: Al-Shabaab oo joojiyay dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium oo muddooyinkii u dambeeyay ay dowladdu waday dadaalo ay ku dooneysay in muuqaalkii uu lahaa garoonka dib ugu soo celiso, kaddib tobanaan sano Garoonka ahaa xero milateri. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay dhalinyarada Baydhabo kuna deeqay lacag garoon ciyaareed

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka magaalada Baydhabo kula kulmay ururrada dhallinyarada ee ka jira caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. 

Xulka Qaranka Soomaaliya oo gaaray caasimada dalka Zimbabwe ee Harare

Ciyaartoyda xulka kubbada cagta qaranka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe. 

Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee QM kadib markii uu ka noqday dhalashada Mareykanka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska yimid ka qeyb galaya shirka  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ,kaddib markii uu horrantii bishii Agoosto dib uu u celiyay dhalashada Mareykanka.

Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa goor dhow ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la soo warinayo in goobo kala duwan ay ku dhaceen madaafiicda. 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in wada hadal toos ah lala galo Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku taliyay in wada hadal toos ah lala furo Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in haddii uu xal milateri adkaado ay tahay in xal siyaasadeed la furo. 

Masar iyo Soomaaliya oo Is faham ka gaaray Iskaashiga Maalgashiga ee labada waddan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Dr. C/llaahi Cali Xasan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal. 

Al-Shabaab oo sheegtay in 9 askari Kenyan ku dileen weerar ka dhacay agagaarka Xuduuda

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar shalay duhurkii ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku dileen illaa sagaal askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, kuna gubeen gaadiid dhowr ah. 

Women Watch Afrika - Men's Violence Prevention Radio Program

audio

Women Watch Afrika - Men's Violence Prevention Radio Program - French

Women Watch Afrika - French
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS