300 entries

Articles Published in 2019

Madaxweyne Farmaajo oo u magaacabay Dr. Nuur Fuursade Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada oo loo xirey arrimo la xiriira imtixaanka fashilmay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Ciidanka Booliska ay xireen mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowlada federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka. 

Darawal Mooto Bajaaj oo haweeney fool ah Isbitaal u waday oo Muqdisho lagu dilay

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiligii Sallaada Subax ee saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo waday Moota Bajaaj, iyadoo askariga dilka geystayna uu goobta isaga cararay. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Kulankii Golaha Shacabka oo maanta lagu Ansixiyay hishiisyo muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka ee Golaha maanta hor keeneen.

Gaari ay la socdeen Arday oo lagu rasaaseeyay Muqdisho iyo Dhaawacyo ka dhashay

Gaari ay la socdeen Arday ayaa saaka lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho, kaddib markii Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay. 

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inay sii deynayaan Maxaabiista Puntland uga qabteen dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xabsiga ka sii deynayaan maxaabiis aanu tiradooda sheegin oo ay ku qabteen dagaalkii ay Puntland kula galeen sanadkii hore deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. 

Faah faahin ka soo baxaya dagaal Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhex maray Baardheere

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday. 

Wasiir Goodax oo ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Puntland (Xog khaldan ayaa la isiiyay)

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo goordhow soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal shalay uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS