688 entries

Articles Published in 2019

Ciidamo Ajaanib ah oo weerar ka fuliyay Shabeelaha Hoose.

Wararka laga helayo Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mareykanka ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Hantiwadaag oo ku yaala Gobalkaasi.

Dil toogasho ah oo lagu xukumay Askari qof shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ku xukuntau labo xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kaasoo si bareer ah dil ugu geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii September sanadkii 2018, dilkaasi oo ka dhacay agagaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Hanti Dhowrka Guud oo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ku shaqaaleysiiyey dhalinyaro

Kuxigeenka Guud 1aad Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar ayaa eedeyn u soo jeediyay Hanti Dhowrka Guud Maxamed Maxamed Afgooye, kaasoo ku saabsan inuu shaqaaleeyay dad aan waayo arag aheyn, isla markaana shaqaaleysiintooda u maray sifo aan sharci aheyn. 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow ansixiyay xeerka wax ka bedelka Bangiga Dhexe, kaddib dood kulul oo ay ka yeesheen xeerkaas oo ay soo gudbisay Golaha Wasiirada oo horay u soo ogolaaday. 

Faah Faahin Weerarka Nairobi iyo Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ku bilowday qaraxyo oo galabta ka dhacay magaalada Nairobi, gaar ahaan deegaanka Westland oo ay ku yaallaan dhismayaal muhiim ah. 

Ciidamada Kenya oo gubay Xarun Isgaarsiin oo ay laheyd Shirkadda Hormuud

Ciidamada Kenya ayaa gubay Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd Tuulada Cali Buley oo 30KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose. 

Ciidamada Kenya oo weli iskahorimaad kala kulmaya maleeshiyada gudaha u gashay Hotel Dusit

Waxaa weli ka socda Hotel Dusit ee magaalada Nairobi iskahorimaad hubeysan oo ay weli kala kulmayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Kenya maleeshiyada gudaha u gashay gelinkii dambe ee maanta Hotel Dusit. 

15 qof oo loo xiray is rasaaseyn ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Boosaaso

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS