Cumar Cabdirashiid’’ Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ayeey aheyd in uu taggo Beledweyne si gurmadka loo dhiiri-galiyo

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa dhaliilay qaabka ay dowladdu wajaheyday xaalada ka taagan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka  midkood looga baahnaa in uu tago magaalada taasoo astaan wanaagsan u noqon laheyd gurmadka iyo gargaarka heerka caalami ee socda

Cumar Cabdirashiid’’ Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ayeey aheyd in uu taggo Beledweyne si gurmadka loo dhiiri-galiyo

‘’Astaanka ugu wanaagsan gurmadka loo fidinayo dadka reer Beledweyne waxey noqo laheyd haddii uu halkaa tagi lahaa madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha midkood, iyaga oo ku soo jeedinaya idhaha deeq bixiyayaasha xaalada adag ee magaalada ka jirta,’’ ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke 

Wuxuu sheegay in hadda caalamka oo dhan iyo gudaha dalka Soomaaliya laga uruurinayo qarraan la doonayo in loogu gurmado dadka ay fatahaaddu saameysay gaar ahaan magaalada Beledweyne, balse wuxuu sheegay in dhibta dadka heysata marka la eego aysan sugi karin yabooha socda sidaa daraadeed looga baahan yahay dowladda in ay iyadu bixiso lacag ku dhawaad 5,000,000 oo dollar oo dadka lagu samata-bixinayo.

‘’Marka ay masiibooyinka oo kale dhacaan dowladda iyada ayaa laga rabaa in markiiba jawaab deg deg ah ka bixiso, dadkaasi waxey u baahan yihiin gargaar ku kacaya qiyaastii 5,000,000 dollar dowladda xitaa haddii aysan heyn waa in ay soo deysataa, marka danbe lacagtaa deynta ah xooggeeda waxaa lagu bixinayaa lacagaha iyo deeqaha kale ee hadda la uruurinayo’’ ayuu sheegay Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOAda.

Wuxuu sheegay in xiligii uu ra’iisal wasaaraha ahaa mar sidan oo kale magaalada ay soo marta fatahaad laakiin ka baaxda yareyd tan hadda oo khasaaraheedu aad u badnaa,’’Magaalada Beledweyne fatahaddu wey ku badatay, Anniga waqtigii aan Ra’iisal Wasaaraha ahaa mar ayeey sidan oo kale soo martay inkastoo ay ka saameyn iyo khasaare-ba yareyd tan hadda, waxaan is leeyahay waxaa muhiim ah in la helo qorshe biyaha mar walba magaalada ku soo rogmada  looga weecin karo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hay’addaha caalamiga ayuu dhankooda ugu baaqay in ay qaabeeyaan gargaarka iyo deeqaha loogu talagalay fatahadda si loo hubiyo in dadkii mudnaa la gaarsiiyay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  BALADWEYNE

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS