93 entries

Articles Published in October, 2019

Ciidamada Booliska Hodan iyo Howlwadaag oo xarig iyo jir dil kula kacay Weriyaal ka tirsan KNN

Ilaa seddax Weriye oo ka tirsan howlwadeenada Radio Kulmiye ayay saaka jir dil iyo xarig kula kaceen ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Wararkii ugu danbeeyay ee fatahaadda magaalada Beledweyne

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay sara u kacay biyaha Wabiga Shabeelle oo ku  fatahay dhamaaba xaafaddaha magaalada Beledweyne oo dusha sare  marka aad ka eegto ay kugu adkaaneyso in aad kala garato Wabiga iyo guryihiin ay dadku ku noolaayeen oo intooda badan biyaha ka sara mareen.

Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyadda Siyaasadda oo aan weli isku raacsaneyn Hoggaanka ay yeeshaan

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in shirar maalmihii la soo dhaafay u socday Madasha ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xisbiyadda waa weyn ee Siyaasadda aanay weli isku raacin cida noqoneysa Hoggaanka Madasha Xisbiyada Siyaasadda ee dalka. 

Doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin oo ku rogtamay xaafadaha B/weyne ee ku fatahay Wabiga Shabelle

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo isaga kala gooshayay xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle ayaa saaka rogmatay, xilli ay ku guda jireen qiimeynta iyo kormeerka baaxada uu gaarsiisan yahay fatahaadaha wabiga shabeelle. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda Dhuusamareeb iyo Khilaafka dhismaha Galmudug oo…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo ku aadan hannaanka loo dhisayo maamulka Galmudug oo ay isku khilaafsan yihiin Ahlusuna iyo dowladda Federaalka. 

Meydka mid ka mid ah dadkii ay Doonta kula qalibantay Beledweyne oo la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in la helay meydka mid ka mid ah dadkii ay shalay doonta la qalibantay.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Guddiga Diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaran

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland. 

Golaha Ammaanka oo digniin adag u jeediyay dowlada Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Soomaaliya ugu goodiyey in ka fiirsan doonaan dhaqaalaha badan ee Beesha caalamku siiso oo ku taageero Ammaanka Soomaaliya, haddii aanay la shaqeyn Guddiga Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya. 

Diyaarado duqeyn ka geystey degmooyinka Saakow iyo Bu’aale

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn loo adeegsaday diyaarado xalay lagu burburiyay  gaadiid ay Alshabaab ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheynayay in laga geysto magaalada Muqdisho. 

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo hoggaamin doona Madasha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda

Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan Hoggaan Guud oo ay yeelato Madasha Xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka ah. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS