93 entries

Articles Published in October, 2019

Sawirro: Ciidamada Badda Midowga Yurub oo badbaadiyay Ciidan ka tirsan dowladda

Howlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo badbaadiyay Ciidamo ka tirsan Badda Soomaaliya oo Doon ay wateen cilad farsamo soo wajahday, xilli ay marayeen qiyaastii meel 60KM waqooyi ka xigta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Abiy Ahmed “Haddii dagaal la aado, mallaayiin ayaa dagaal gelin karnaa”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka digay hadii loo baahdo in la tago dagaal ku saabsan mashruuc biyo xireenka Wabiga Niil ee ay ku muransan yihiin iyaga iyo Masar, in dalkiisu diyaar u yahay malaayiin dad ah, laakiin arrinta kaliya ee lagu xalin karo uu yahay wada hadal. 

Khilaaf wali ka taagan howsha guddiga farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug

Ismari-waa ayaa wali ka taagan dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, waxaana soo ifbaxaya khilaaf xoogga oo  u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya

-Dowladda Doomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya Kayle McCarter oo sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kalana hadlay arinta muranka Badda

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Kumaandoos ah geysay Dhuusamareeb iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamo Kumaandoos ah ay dowladda Soomaaliya ka dejisay magaaladaas, kuwaasoo diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho. 

Abshir Bukhaari oo ku dhaliilay Xukuumadda ka jawaabid la’aanta dhibaatada Fataahada Wabiga Shabelle

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee ka dhalatay fatahaada wabiga Shabeelle, kaasoo saameeyay kumanaan qoysas oo ku sugan magaalada Beledweyne. 

Kooxo hubeysan oo xalay Gaalkacyo ku dilay Taliye kuxigeenka Ilaalada Waddooyinka Mudug

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay taliye kuxigeenka Ilaalada Waddooyinka Gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax. 

Saameynta Hargeysa uu ku yeeshay Qaad la'aanta

Labaddii cisho ee u dambeeyey magaalooyinka Somaliland ayaa waxa  ka dhacay jaad la’aan ka dib markii qoomiiyada Oromiya rabshado ka dhaceen oo la xidhay jidadkii magaalooyinkoodda soo galayey iyo kuwii ka baxayey.

Warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in Hoggaamiyaha Daacish lagu dilay howlgal qarsoodi ah

Saraakiil ka tirsan Milateriga Mareykanka ayaa sheegaya in howlgal qarsoodi ah oo ay qaadeen lagu bartilmaameedsaday Hoggaamiyaha ISIS ama Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi. 

Dad ka careysan waddooyinka xiran ee Muqdisho oo maalintii labaad banaan bax jidgooyo ah dhigay

Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee isugu jira BL-ka iyo Mooto Bajaajta ayaa maalintii labaad banaan bax ka wada magaalada Muqdisho, iyagoo banaan baxooda ku salleynaya cabasho ku aadan xirnaanshaha waddooyinka xiran ee magaalada. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS