93 entries

Articles Published in October, 2019

Toban askari oo Kenyan oo ku dhintey qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Garissa

Ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu diley qarax miino oo ay la kacday gaari ay saarnaayeen meel ku dhow magaalada Garissa ee dalka Kenya. 

Dagaalo culus oo ka socda xadka ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Turkiga

Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Siiriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya. 

Faahfaahin ka soo baxaysa hoobiyaal lagu weeraray Xarunta Xalane

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Xarunta AMISOM ee Xalane. 

Wasiirka Arrimaha Dibbada Cawad oo la kulmay wafdi ka socday hay’ada IOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed  ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

Wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo martiqaad loogu sameeyay duleedka Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta duleedka Kismaayo waxaa uu martiqaad ugu sameeyay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkiisa. 

Banaanbax ka dhacay Jowhar iyo weriye xabsiga loo taxaabay

Dadweyne faro badan oo ka soo horjeeday xarig  saaka waaberigii loo geystey inkabadan boqol ruux oo laga soo qabqabtay guryahooda iyo wadooyinka xaafada Hantiwadaag ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar. 

Wasiirka maaliyadda oo beeniyay warbixintii Hanti dhawrka

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal jawaab celin u ah warbixiintii dhawaan ka soo baxday xaafiiska Hanti Dhowraha Qaranka taasi oo sheegaysay in 18 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnadda dowladda Federaalka.

Madaxtooyada oo si kulul uga hadashay sawirrada madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo lagu soo bandhigay Isgoyska Zoobe

 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Gaadii lagu soo xardhay Sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Kheyre oo maalintii shalay lagu soo bandhigay xuska Sanad-guuradii Labaad ee ka soo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii October 2017 ka dhacy Isgoyska Zoobe.

Duqa Muqdisho oo Xarunta dowladda Hoose ku soo dhoweeyay Wakiilka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta dowladda Hoose ku soo dhoweeyay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martine. 

Al-Shabaab oo sheegatay xubno ka tirsan Nabadsugida iyo Sarkaal Milateri ku dishay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo dilalkaas ay ahaayee kuwo ay geysteen rag ku hubeysan bastoolado oo markii falka ay fuliyeen goobta ka baxsaday. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS