93 entries

Articles Published in October, 2019

Madaxweyne Farmaajo “Nidaamka Federaalka ma siinayo madax banaani gaar ah Maamul goboleedyada”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali doonin cid kasta oo is hor-taagta dib u yagleelida Qaranimada Soomaaliya, isla markaana aanu gorgortan ka geli doonin. 

Wacyigelinta Golaha Deegaanka oo maanta laga daah-furay magaalada Buulo-Burte

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo hay’adaha bahwadaagta kula ah dhismaha golayaasha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ugaga daahfurtay magaalada Buulo-burte barnaamijka wacyigelinta Golaha Deegaanka. 

War Deg-deg ah; Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa la sheegay in uu ku guuleystey abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize. 

Kenya oo wafdi ka qeybgalaya Caleemasaarka Axmed Madoobe u direysa Kismaayo

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowlada Kenya ay ka qeybgalayaan munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Daawo: Shiikh Shariif “Waa Nasiib darro 30 sano kaddib dalka in dib loogu celiyo Nidaam Kali- Talis”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadlay kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu welwel weyn ka qabo sida xaalada siyaasadda dalka ay ku socoto. 

Wararkii ugu dambeeyay ee qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland

Qaban qaabadii u dambeysay ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in xaflada ay dhacdo gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah. 

Dowladda Federaalka oo mamnuucday duulimaadyada tooska uga imaanaya Kenya ee ku sii jeeda Kismaayo

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo. 

10 ruux oo ku geeriyootay Shil gaari ka dhacay duleedka Berbera

Toban ruux ayaa ku geeriyootay, 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari weyn oo Qaad siday, halka gaariga kalena uu ahaa Nooha ay saarnaayeen dad rakaab ah. 

Kheyre “Qof walba oo naga mid ah mucaarad iyo muxaafad waxaa taariikhda ku geli doonaa sida aan u ilaalino qarannimada iyo…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. 

Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya oo lau wado in la horgeeyo Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii u dambeeyay ee ay kaga keenayaan mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS