93 entries

Articles Published in October, 2019

Wasiirka Arrimaha Dibbadda oo ka hadlay safaarada Soomaaliya ee Washington

asiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay. 

Faah Faahin ka soo baxaya duqeyn dad rayid ku dhinteen oo ka dhacay Jubbada Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal oo loo maleynayo iney leedahay dowladda Kenya ay duqeyn ka geysatay deegaanka Hoosingoow, iyadoo duqeyntan ay khasaare ka soo gaartay dad Shacab ah. 

Sawirro: Tababar ku saabsan la dagaalanka Argagixisada oo Ciidamo Boolis uga socda Turkiga

Waxaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed Tababar ku saabsan la dagaalanka Argagixisada. 

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Buulo Burte

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Halgan oo u dhaxeeya magaalooyinka Buulo Burte iyo Beledweyne. 

Xilliga uu furmayo kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyay iyo Xildhibaannada oo degdeg…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa degdeg isugu yeeray Xildhibaanada, si ay uga soo qeyb galaan furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha. 

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta tagaya Baydhabo

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, halkaasoo ay wadajir uga qeyb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed. 

Howlgal miino baaris ah oo Ciidamada Milateriga ka wadaan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa howlgal miino baaris ah ka wada inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ka geysatay qaraxyo miino lala beegsaday Ciidamo iyo Mas’uuliyiin. 

Akhriso: Habraac cusub ee soo xulista xubnaha baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saartay habraac cusub oo ku saabsan Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019, iyadoo horay u jireen habraacyo ay soo saartay oo aan ka dhaqan gelin Jubbaland. 

Jubbaland oo ku gacanseyrtay Warkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka

Maamulka Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyay qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Dowladda qorshe cusub u diyaarisay soo xulista iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland loo dhan yahay.

Resilience Rising: Episode #1 Nepal

This is Resilience Rising, a production of Sagal Radio Services, where we celebrate diverse voices from around the globe through new connections and meaningful conversations. 
Episode 1: Satyam Barakoti & Alexis Graham (Nepal)
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS