Donald Trump oo sheegay in la diley ninkii bedeli lahaa Abu Bakr al-Baqdadi

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay maanta in Milatariga Maraykanka ay dileen qofkii lagu waday inuu bedelo hogaanka ururka IS kadib markii hogaamiyihii ururkaas Abubakar Baqdadi la diley. 


Donald Trump oo sheegay in la diley ninkii bedeli lahaa Abu Bakr al-Baqdadi

Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo daabacay; ”Waxaa goordhow la ii xaqiijiyay in qofkii bedeli lahaa Abu Bakar Baqdadi ay dileen ciidamada Maraykanka.”

Inkastoo uusan magacaabin Donald Trump qofka uu sheegay in la qaarijiyay ayaa hase ahaatee shalay warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in la diley afhayeenkii ururka IS Abu al-Hassan al-Muhajir oo xil sare ka hayay ururka IS.

Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha  Maraykanka Trump sheegay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka lagu diley hogaamiyihii ururka IS Abu Bakar Baqdadi.

Sarkaal sare oo u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay shalay in al-Muhajir lagu diley howlgal kale oo gaar ah.

Sidoo kale mas’uul u hadlay maleeshiyada Kurdishka ee YPG ayaa sheegay Axadii in al-Muhajir lagu diley howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ururka Kurdiyiinta iyo ciidamada Maraykanka Waqooyiga Siiriya.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Donald Trump

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS