4 entries

Articles Published on October 2, 2019

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey’ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood. 

James Swan oo ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Dowlada iyo Jubbaland

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland. 

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah riday

Cumar Cabduqaadir Shiikh Nuur Xusseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

Madaxweyne Deni ‘’ Waxaan diyaar u nahay in aan wadahadalno Dowladda Federaalka

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay sida uu hadalka u dhigay wadahadal ay la gasho dowladda Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay in aysan qeyb ka aheyn wixii ka soo baxa shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS