Qarax xooggan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goor-dhaw qarax aad u xoogan oo jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Qarax xooggan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Goojoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo halkaasi marayay, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala  eegtay  gaadiidka Ciidamo Talyaani ah oo wadada marayay . 

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo aagaasi xiray.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS