Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Haweeney caan ka aheyd Suuqa Bakaaraha

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Bakaaraha, iyadoo isla goobta ugu geeriyootay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Haweeney caan ka aheyd Suuqa Bakaaraha

Sida wararku sheegayaan Haweeneyda la toogtay oo lagu magacaabi jiray Xadiyo waxa ay Shaah ku iibineysay laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo xilli ay iska shaqeysaneysay saaka ay goobteeda ugu tageen Saddex dhalinyaro ah, kuwaasoo rasaas ku bilaabay.

Dadkii Maqaaxida xilligaasi fadhiyay ayaa goobta ku kala cararay, iyagoo ka argagaxay toogashada loo geystay Haweeneydan oo caan ka eheyd Suuqa, taasoo heysatay Caruur fara badan oo ay u shaqeyneysay.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa durba gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo aanan suura gelin in la soo qabto kooxihii dilka ka dmabeeyay, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada Haweeneydan, waxaana meydkeeda la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS