5 entries

Articles Published on September 28, 2019

Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay. 

C/raxmaan C/shakuur oo ka hor-yimid baaqii dowladda Qatar, kuna eedeyay maalgelinta….

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn uga hor-yimid baaqii ka soo yeeray dowladda Qatar ee ay dhowaan u jeedisay dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliya.

Dowlada Turkiga oo taageereysa horumarinta Boosatada dalka Soomaliya

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Halkee laga bixiyay lacagta lagu iibiyay dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Washington ?

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku iibsatay dhismaha Safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelaneyso magaalada Washington.

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Haweeney caan ka aheyd Suuqa Bakaaraha

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Bakaaraha, iyadoo isla goobta ugu geeriyootay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS