Faah Faahin: Gaari kuwa aan xabadaha karin oo lagu qarxiyay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira qarax ka dhacay maanta meel ku dhow isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Faah Faahin: Gaari kuwa aan xabadaha karin oo lagu qarxiyay Muqdisho

Wararka ayaa waxa uu ka dhashay waxyaalaha qarxa oo lagu dhejiyay gaari nooca aan xabada karin ee loo yaqaano Bulletproof oo ay saarnaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga.

Labo ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo uu ku jirey qof u dhashay dalka Turkiga ayaa ku dhaawacmay qaraxan iyadoo la dhigey isbitaal ku yaal Muqdisho.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka iyo kuwa lagu aaso dhulka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan duleedka Muqdisho ay ku dhaawacmeen qarax miino labo ka mid ah injineerada dhismaha ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS