Wasiir Oomaar oo faah faahiyay go'aankii dowladda ee dulimaadyada Kismaayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlayey go’aankii dowladda ay soo saartay ee la xiriiray duulimaadyada Kismaayo.

Wasiir Oomaar oo faah faahiyay go'aankii dowladda ee dulimaadyada Kismaayo

Oomaar oo waraysi siiyay idaacadda VOA da ayaa sheegay in joojinta  Duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin  cid ay si buuxda ugu halleen karaan duulimaadyada Kismaayo sidaas  darteedna ay buuxinayaan kaalintaas banaan, sida uu hadalka u dhigay. 

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”

Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.

Jubaland waxay sheegtay in shacabka Jubbaland ay saaran tahay “xayiraad sharci darro ah oo dastuurka baal marsan taasoo saameyn ku yeelatay kaliya shacabka dhinacyada, ganacsiga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo arrimaha gargaarka bani’aadamnimada.”

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS