Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27aad Jeneraal Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa ka hadlay howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kaasoo ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde. 


Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Shir Jaraa’id oo uu u qabtay Warbaahinta ayuu ku sheegay in howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed leh ay ku dileen Shan xubnood oo Al-Shabaab ah, kuwaasoo dhibaato ku hayay Shacabka isaga kala goosha wadooyinkaas.

Dadka la dilay ayuu Taliyaha sheegay inay ka mid yihiin Taliyaha Jabhadaha Al-Shabaab Ibraahim Turcaaye iyo Madaxa qaraxyada Shabaab Xasan Yare, wuxuuna talaabadan ku sifeeyay mid ay kaalin ku lahaayeen Shacabka gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Jeneraal Maxamed Maxamuud Tareedisho, waxa uu dhinaca kale sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dad gaaraya 20 ruux, kuwaasoo qaarkood lala xiriiriyay inay wax ka abaabuleen weeraro qaraxyo ahaa oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada Xoogga dalka ayuu tilmaamay inay si joogta ah uga howlgali doonaan waddooyinkan, si looga hortago falalka ka dhanka ah amaanka, isagoo carabka ku goday iney sharciga horgeynayaan xubnaha gacanta lagu soo dhigay.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Buula-Burde iyo Jalalaqsi

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS