Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

Musharaxa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. 


Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

Musharax Axmed Qoor-qoor oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax ay taageerayaan madaxda sare ee dowlada federalka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyay xildhibaano labada gole ee baarlamaanka iyo Golaha Sare ka tirsan waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb isagoo ubax ka guddoomay carruur dhar bilicsan loo soo xirey.

Axmed Cabdi Kaariye Musharaxa Madaxweynaha Galmudug ayaa meel fagaare ah kula hadlay boqolaal ruux oo taageerayay waxana halkaa uu hadal ka jeediyay uu uga mahadceliyay madaxda dowlada federalka,ururka Ahlu Sunna iyo guddigii shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dadaal xoog leh u galay sidii Galmudug oo mideysan loo dhisi lahaa.

“Waxaan halkan ka ballanqaadayaa haddii la I doorto in aan ku shaqeyn doono siyaasad degen oo la shaqeyn karta dowlada federalka,dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dhammaan cid kasta oo muhiim u aha danaha Galmudug.”ayuu yiri Musharax Qoorqoor.

“Siyaasad go’odoon ah oo aan hadafka Galmudug ka tarjumeyn, waxaana loo baahan yahay siyaasad degen,waxana aan xoreyn doonaa deegaanada ku jira weli gacanta cadowga.”ayuu sii raaciyay Musharax Qoorqoor.

Musharax Axmed Qoorqoor ayaa ah musharaxii labaad ee doorashada Galmudug ee gaara xarunta Maamul goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  DHUUSA MAREEB

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS