Wararkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb iyo Qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweynaha

Qaban qaabo iyo diyaar garow ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaasoo maanta oo Isniin ah lagu wado inuu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. 


Wararkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb iyo Qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray magaalada Diyaarado sida Ilaalada Madaxweynaha, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amnigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo muddo 10 cisho ka socday magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay ka qeyb galayeen in ka badan 500 oo erho.

Siyaasiyiinta ayaa saluugsanaa qaabka uu u socday shirka dib u heshiisiinta, waxaana qaarkood ay sheegeen inuu ahaa siminaar oo aan aheyn mid dib u heshiisiin oo si dhab ah lagu xalinayay tabashooyinka ay qabaan beelaha iyo wixii kala gaaray.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa in marka la soo gabagabeeyo la guda galo howlaha dhismaha Galmudug iyo xulida Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  DHUUSAMAREEB

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS