Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Beelaha Hawiye. 


Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye

Kulankan ayaa ahaa mid is barasho iyo kala war-qaadasho, waxaana la isku dhaafsaday tallooyin guud oo ahaa mid amni iyo aayaha Caasimadda Muqdisho sidii horumarkeeda loogu wada shaqeyn lahaa.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha u soo jeediyay tallooyin dhinaca amniga ah, sida in la furo jidadka xiran ee magaalada, isla markaana shacabka Muqdisho laga qaado culeysyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyay tallooyinka ay u soo jeediyeen Xildhibaanada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan, loona istaago horumarka Caasimadda, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay wax ka qabashada amniga caasimadda iyo in la furo jidadka xiran ee magaalada.

Xildhibaannada ka dhex muuqday kulanka ayaa waxaa ku jiray qaar ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka, iyadoo tallaabadan ay ka dhigneyd in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo si guud Xildhibaannada muxaafad iyo mucaaradba sidii uu uga heli lahaa taageero iyo wadashaqeyn dhab ah.

  

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MOGADISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS