Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay dhalinyarada Baydhabo kuna deeqay lacag garoon ciyaareed

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka magaalada Baydhabo kula kulmay ururrada dhallinyarada ee ka jira caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. 


Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay dhalinyarada Baydhabo kuna deeqay lacag garoon ciyaareed

Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo amni, waxa ayna ka codsadeen in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha taagan, si bulshada ku nool koonfur Galbeed ay u helaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada ku boorriyay in ay isu abaabulaan ka shaqeynta dowlad wanaagga iyo mustaqbalka ummadda, ayaa la wadaagay qorshayaasha dowladda uga degsan ka shaqeynta horumarinta arrimaha bulshada iyo sida ay u kala horreeyaan qorshayaasha fulinta iyo dhaqan gelinta barnaamijyada horumarineed ee qaybta ka ah qorshaha dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu la kulmay, la xariiriyay wasaaradaha ku shaqada leh baahiyada ay u soo gudbiyeen, waxa uuna faray wasaarahada dowladda federaalka ah, in baahiyahaas taagan si deg deg ah wax looga qabto.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Beydhabo.

Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deeqay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  BAYDHABO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS