Daawo: Al-Shabaab oo joojiyay dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium oo muddooyinkii u dambeeyay ay dowladdu waday dadaalo ay ku dooneysay in muuqaalkii uu lahaa garoonka dib ugu soo celiso, kaddib tobanaan sano Garoonka ahaa xero milateri. 


Daawo: Al-Shabaab oo joojiyay dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium

Sida uu baahiyay Telefishinka Universal Al-Shabaab ayaa ku amartay shirkadda heysata qandaraasha dhismaha Garoonka inay joojiso illaa amar dambe, iyagoo mid mid u wacay shaqaalaha Shirkadda, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha, iygaoo diiday magacooda in la shaaciyo.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku wargeliyay shaqaalaha in aysan soo xaadiri karin Garoonka oo ay subax walba u imaan jireen howlahooda caadiga ee dayactirka iyo dhismaha garoonka ay ku wadeen.

Tallaabada ay Al-Shabaab ku joojisay dayactirkii ka socday garoonka Muqdisho ayaa mar kale calaamad u ah sida amarkooda uga fulayo Muqdisho, iyadoo dowladda ay gacanta ku heyso Caasimadda, waxaana sanadkan kaliya Al-Shabaab dhaqaale fara badan oo canshuuro ah ka heleen Ganacsiyada kala duwan iyo alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho.

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS