Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo dhaliilay tayada aqoonta Macalimiinta dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay heerka waxbarashada dalka isagoo sheegay in tayada macalimiinta dalka ay aad u liidato ayna u baahan yihiin tababar. 


Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo dhaliilay tayada aqoonta Macalimiinta dalka

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Dugsiyada Hoose iyo dhexe ay ku ogaadeen in 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan ayna u baahan yihiin inta kale in wax la baro.

“Maalinta Axadda ee soo socota dalka waxa uu yeelan doonaa Guddiga Tacliinta Sare kuwaasoo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalka.”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre.

Wasiirka oo ka hadlayay heerka waxbarashada dalka ayaa xusay in boqolkiiba toddobaatan ay ardayda gaartay waxbarashada guryaha joogaan halka boqolkiiba soddon oo kaliya ay dugsiyada tagaan.

Cabdullahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada ayaa ka hadlay manhajka dalka waxana uu sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono Manhajka dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS