Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay saraakiil Turkey ah

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay maanta saraakiil ka socota safaarada Turkiga ee Muqdisho qeybteeda u qaabilsan Tababarada Booliiska soomaaliyeed. 


Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay saraakiil Turkey ah

General Cabdi Xasan ayaa ka dhagaystay warbixin ka dhagaystay saraakiisha booqashada ugu tagtay iyagoo u sheegay tababaraha ay siiyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed dowlada Turkiga.

Sidoo kale saraakiishan ayaa waxa ay uga warbixiyeen taliyaha cusub ee ciidamada booliska qorshaha mustaqbalka ee tababarida ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa soo dhaweeyey xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Kan Turkiga asagoo ku bogaadiyey inay sii wadaan gacan siinta Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadooda kala duwan.

Dowlada Turkiga ayaa ka caawisa ciidamada kala duwan ee dalka Soomaaliya dhinacyada tababarka iyagoo gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba wadanka Turkiga ay tababaro kala duwan u qabtaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS