42 entries

Articles Published in September, 2019

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa iyo Xildhibaannada UPD

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ay wehliyeen Xildhibaano Saaxibadiisa ah ee ay iskala tirsan yihiin Xisbigada UPD, kana soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug. 

Dagaalka ganacsiga Mareykanka iyo Shiinaha oo meel adag gaaray.

Mareykanka ayaa sara u sii qaaday canshuurihii saarnaa badeecada Shiinaha ee loo iib geeyo dalka Mareykanka.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Al-Shabaab oo soo bandhigay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle oo isu dhiibay

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo codka mid ka mid ah Agaasimayaashii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle oo isu soo dhiibay. 

Kenya oo dalbatay in Cabdi Qawi laga saaro dhageysiga kiiska Badda

Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga wajiga labaad ee dacwada Badda laga saaro Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah shaqsi asakiisu Soomaali yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulankii u horeeyay la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa markii ugu horeysay kulan la qaatay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa mid uu duqa Muqdisho ku xog wareysanayay madaxda degmooyinka. 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay saraakiil Turkey ah

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay maanta saraakiil ka socota safaarada Turkiga ee Muqdisho qeybteeda u qaabilsan Tababarada Booliiska soomaaliyeed. 

Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo dhaliilay tayada aqoonta Macalimiinta dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay heerka waxbarashada dalka isagoo sheegay in tayada macalimiinta dalka ay aad u liidato ayna u baahan yihiin tababar. 

Taliska Mareykanka ee Afrika oo war ka soo saaray duqeyn cusub oo ka dhacday Jilib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen maalintii shalay aheyd duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe. 

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray magaalada Beledweyne

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS