55 entries

Articles Published in August, 2019

Taariiq nololeedka Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisow”

Allaha u naxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waxa uu ka mid  ahaa  aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabatay dalka sidii ay uga caawin lahaayeen  in dalka uu lugihiisa isugu taago. 

Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Sedax Maalin Oo Barood Diiqa Ah, Guddina u Saartay Aaska Guddoomiye Yariisow

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar. 

Maxaa loo fasirri karaa tallaabada Madaxweyne Farmaajo uga laabtay Jinsiyadda Mareykanka ? Faallo

Tallaabada Madaxweyne Farmaajo uu kaga tanaasulay jinsiyaddii labaad ee Mareykanka ma bilow olole doorasho uu mar kale u galayo in dib loo soo doorto mise waa farriin ku socoto Siyaasiyiinta labada Jinsiyaddood wata ee la filayo inay ku soo hirtaan tartanka Madaxtinimada Soomaaliya sanadka 2021 ? 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo tacsi ugu tegey qoyska iyo ehelka Cabdiraxmaan Yariisow

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. 

Taliska qeybta 21aad oo isbedel lagu sameeyay

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa is badal ku sameeyay qaybo ka mid ah Taliyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO

Guddoomiye Mursal oo qoraal ku shaaciyay xiritaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaciyay in la soo xiray kalfadhigii 5aad ee Golaha, kaasoo soo bilowday bishii Maarso ee sanadkan. 

Musharixiinta Jubbaland oo sharuud ku xiray ka qeybgalka doorashada

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo Kismaayo kulan kula qaatay wakiilka Urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa ay u gudbiyeen sharuud ay ku xireen ka qeybgalka doorashada Jubbaland.

Madeira oo sheegay Al-Shabaab inay doonayaan sidii ay ku noqon lahaayeen awood Siyaasadeed

Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka ciidammada AMISOM, Francisco Madeira ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay beddeleen hab-kooda dagaal.

Daawo Sawirro: Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir oo loogu magac daray Eng. Yariisow

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS