NISA oo soo bandhigtay xubin sare ka tirsan Warbaahinta Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in xubin sare oo ka tirsan Warbaahinta Al-Shabaab lagu qabtay howlgal laga sameeyay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. 


NISA oo soo bandhigtay xubin sare ka tirsan Warbaahinta Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal

NISA ayaa barteeda Twitterka NISA ku soo bandhigtay sawirada ninkan la soo qabtay, inkastoo aan magaciisa la sheegin

“NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al-Shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee NISA.

Barta Twitterka ee NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay warbaahinta gaarka ah ee lagu shaaciyo howlgalada Ciidanka Sirdoonka sameeyaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS