Golaha Wasiirada oo taageeray go’aankii Wasaaradda Arrimaha gudaha ku qaadacday doorashadii Jubbaland

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo. 


Golaha Wasiirada oo taageeray go’aankii Wasaaradda Arrimaha gudaha ku qaadacday doorashadii Jubbaland

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS