Cumar Filish oo ballanqaaday in la furi doono waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir,Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa goor dhow la wareegay xilkaa, ka dib xaflad goor dhow lagu soo gabagabeeyay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Cumar Filish oo ballanqaaday in la furi doono waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddoomiye Cumar Filish ayaa xafladda xil-wareejinta ka jeediyay khudbad uu ku soo daray qorshe howleedkiisa, wuxuu caddeeyay qorshihiisa lixda bilood ee ugu horreysa inuu diiradda ku saarayo ammaanka.

Waxaa kalo uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo furi lahaa jidadka xiran ee magaalada Muqdisho, waxyaabaha kale ee uu soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ah inuu xoogga saarayo sidii dib ay ula soo laaban laheyd caasimadda Muqdisho bilicda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maamulkiisa uusan aqbali doonin si caddaalad darro ah in lagu heysto dhismayaal iyo hanti bulsho.
Wuxuu ugu baaqay mas'uuliyiinta dowladda federaalka iyo bulshada gobolka Banaadir inay si dhow ula shaqeeyaan, si buu yiri loo gaaro waxqabad la arki karo.
Cumar Filish ayaa xafiiska ka beddelay guddoomiyihii geeriyooday ee AUN Cabdiraxmaan Yariisow, ka dib markii uu ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS