Ciidanka Kenya oo burburiyey xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Hormuud

Iyadoo ay weli socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cowsqurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. 


Ciidanka Kenya oo burburiyey xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Hormuud

Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bas beelay Dhismihii Shirkadda iyo qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Links, 2 Motors, Tower iyo Agabkii kale ee shirkadda yiilay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay isgaarsiin la’aani heysataa bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun iyo Tuulooyinka ku hareereysan.

Kuxigeenka Madaxa xiriirka guud ee shirkadda Hormuud Yaasiin Xasan Yuusuf ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin aan loo meel deyin ku hayey Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GADO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS