Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn lagu dilay xubin Al-Shabaab

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray duqeyn xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose. 


Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn lagu dilay xubin Al-Shabaab
Duqeyntan ayaa qeyb ka ah duqeymo si is-daba joog ah oo Mareykanka ku muddooyinkii u dambeeyay ku bartilmaameedsanayay Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Milateriga Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhanka cirka ah ku qaadeen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay hal xubin oo aan magaciisa la sheegin, iyadoo qoraalka lagu sheegay in qiimeyn la sameeyay aanay jirin dad rayid ah oo duqeynta lagu dilay ama waxyeelo kale soo gaartay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  SOMALIA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS