Kenya oo ka jawaabtay qoraalkii QM, sheegtayn in James Swan uusan matalin Beesha Caalamka.

Dowladda Kenya ayaa ka hortimid warqaddii kasoo baxday wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee loo diray guddiga doorashada Jubaland, taasi oo lagu sheegay in haddii guddiga uusan wax ka badalin hanaanka uu u wado doorashada Jubbaland, inaysan beesha caalamku aysan taageeri doonin natiijada doorashadaas.

Kenya oo ka jawaabtay qoraalkii QM, sheegtayn in James Swan uusan matalin Beesha Caalamka.

Waraasadda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay warqadii kasoo baxday James Swan, iyadoo is-bedello dhawr ah ay guddigu ku sameeyeen hanaanka ay u socoto doorashada, uu haddana James Swan la yimid dalabyo cusub, islamarkaana uu shuruudo kusoo rogay qabsoomidda doorashada Jubbaland.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu xaqiijiyey in doorashada ay noqoto mid dhex-dhexaad ah, balse ay iska jirto caqabado aan badneyn oo ay wajaheyso, taasna ay ula mid tahay wadamada caalanka.

“Hanaan doorasho oo muddo soo socday hadda waa gebo gebo, wuxuuna marayaa marxalad xasaasi ah, isku day kasta oo lagu arbushayo ama dib loogu dhigayo saacaddii ugu dambeysay, waxa uu fowdo iyo xasilooni darro u horseedi doonaa Soomaaliya oo dhan, waxaa xusid mudan in dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa ay ka joogaan ciidamada AMISOM, uu wakiilka QM ka doortay kaliya Itoobiya inuu arrintan ku war-geliyo, maadaama ay Kenya deris dhaw la tahay Somalia, gaar ahaan Jubbaland ayna aad u daneynayso xasiloonida Soomaalida, islamarkaana aan lagala tashan mowqifka James Swan, Kenya ma aqbali karto in James Swan uu go’aan ku gaaro magaca beesha caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Hoos ka akhriso warqadda Kenya:-

Section  Somali
Category   Local News
Tag  kenya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS