Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda oo saaka soo gaaray Muqdisho. 


Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Qatar

Wafdigan ayaa ahaa kii ugu heerka sareeyay ee ka socda dalka Qatar oo soo gaaray Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafkii dalalka Khaliijka ee Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga, horumarinta mashaariicda iyo taageerada.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Dekedaha dalka Qatar iyo Wasiirka Dekedaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si wadajir ah u shaaciyeen in la bilaabayo dhismaha Dekeda Hobyo, isla markaana dowladda Qatar ay mashruucaas ay fulin doonto.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS