Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo caawa ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ciidamada nabadsugida iyo ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb. 


Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb

Dagaalkan oo ka dhashay ciidamada ilaalada ka noqonaysa xarunta lagu wado in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la qorsheeyay in berri uu ka furmo xarunta Shirkole ee bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Xarunta Shirkolaha ayaa illaa iyo hadda aysan jirin cid gacanta ku haysa iyadoo labada dhinac ay ka kala joogaa labada ciidan.

Iskahormaadka dhex maray labada ciidan ayaan geysan wax qasaare ah balse waxaa haatan socda dadaalo uu maamulka Galmudug ku doonayo in lagu xaliyo khilaafka salka ku haya maamulka xarunta shirkolaha magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb oo dhowrki maalmood ee ay ku qulqulayeen ergada ka qeybgalaysa shirka ayaan wax saameyn ah ku yeelan dagaalka iyadoo la dejiyay hotelo ku yaal magaalada Dhuusamareeb.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  DHUUSA MAREEB

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS