Warbixin: Sanad Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu Hey’adda NISA u gacan geliyay Fahad Yaasiin

Hal sano ka hor maanta oo kale Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sameeyay isbedel weyn oo saameeyay Hay’adaha Amniga, talisyada ciidamada iyo Madaxtooyada, waxaana la magacaabay taliyeyaal cusub iyo shaqsiyaad aan la fileyn xilalka loo dhiibay. 


Warbixin: Sanad Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu Hey’adda NISA u gacan geliyay Fahad Yaasiin

Madaxweyne Farmaajo oo lagu xusuusan doono inuu yahay madaxweynihii ugu isbedel iyo magacaabid badnaa intii uu xilka hayey, ayaa haddana isbedelka ugu weyn ee uu sameeyay 16 Ogost 2018 wuxuu ahaa inuu Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda u magacaabay saaxiibkii kasoo shaqeeyay inuu ku guuleysto Doorashadii 8 Febraayo 2017, waa ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo markaasi laga wareejiyey xilka Agaasimaha Madaxtooyada loona magacaabay Agaasime ku xigeenka NISA.

Magacaabidiisa Taliye kuxiyeenka NISA ayay dad badan u arkayeen mid layaab ah, marka loo eego xilkaas, jagadii Agaasinka Madaxtooyada iyo awoodda badan ee uu ku lahaa dowladda, balse waxay aheyd arrin wax badan ku qarsooneyd oo ahaa inuu la wareego Hoggaanka Sirdoonka Soomaaliya, qaab Sii-Hayenimo ah, isagoo ah Kuxigeenka kaliya ee hey’adda, waxaana haatan muddo sanad ku dhow uu yahay Sii Hayaha NISA oo aan mudadaas Taliye buuxa yeelan, waxaana Siyaasiin badan aaminsan yihiin in Hoggaanka Taliska uu noqday mid Siyaasadeed marka loo eego ku milankiisa xagga siyaasada iyo talada dalka uu wax kaga gooyo go’aamada qaar.

Muddo yar kadib Fahad Yaasiin wuxuu noqday ku-simaha taliyaha iyo kuxigeenka kaliya ee NISA ay leedahay, markii uu is casilay Agaasmihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen, xilalkiina laga qaaday Agaasime ku xigeennadi Jen. Cabdalla Cabdalla iyo C/qaadir Jaamac, sidaasina wuxuu Fahad Yasiin  ku hantiyey hoggaanka NISA, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu diiday inuu magacaabo agaasime cusub oo NISA yeelato ama xitaa ku xigeenno.

Sanad kadib oo NISA ay ahayd agaasime iyo ku xigeenno la’aan, waxaa dhacay arrimo fara badan oo muujisay inuu dib u dhac weyn ku yimid Sirdoonkii Dowladda, iyadoo ciidamadii badnaa ee NISA loo wareejiyey Booliska, waxaana dad badan ku dhaliileen Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyey hay’adii NISA.

Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Is-miidaamintii ugu danbeysay ee xarunta Gobolka Banaadir oo lagu dilay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyihii G/Banaadir waxay caddeyn u yihiin in Hay’adda NISA ay ka gaabisay howlihii loo xil saaray, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu doortay inuu hay’adaasi u gacan geliyo shaqsi aan lahayn khibrad amni, basle saaxiib la ah, waxaana siyaasiyiin badan horay ugu dhaliileen in Hoggaanka NISA noqotay mid Siyaasadeed.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS