Ciidamada Amniga oo afar ruux oo mid haween aheyd ku toogtay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Booliska degmada Howlwadaag ayaa maanta duhurkii ku toogtay Suuqa Bakaaraha afar ruux oo mid haween aheyd, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayeen isku day dil lala beegsan rabay Mas’uul dowladeed. 


Ciidamada Amniga oo afar ruux oo mid haween aheyd ku toogtay Suuqa Bakaaraha

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Jen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in afartan ruux ay toogteen Ciidamada Amniga ay isugu jireen 3 rag iyo hal haweeney.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”ayay tiri Jen. Zakiya.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydadka afarta ruux oo laamiga yaal, kuwaasoo xabadka ay bastoolado ka saarnaayeen, taasoo la sheegay inay ahaayeen kuwii ay qorsheynayeen inay dilka ku fuliyaan.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya inay maqlayeen is rasaaseyn kooban oo Suuqa Bakaaraha ka dhacday, taasoo dhex martay raggan iyo ciidamada Booliska ee suuqa ku sugnaa.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS